Iyadoo saqdii dhexe ay xilligan dhaaftay waqtiga Magaalada Muqdisho ayaa rasaas goos-goos ah laga maqlayaa Baarka Pizza House oo dabley Alshabaab ka tiran ay weli ku jiraan.
Ciidamada Gaashaan ayaa la sheegay inay toogteen mid ka mida saddex dabley oo ku jiray gudaha Baarka, waxaana la filayaa in ilaa laba kale ay weli ku dhex jiraan gudaha Baarka.
Waxaa xaaladda uga sii daray iyadoo wararku sheegayaan in dad lagu heysto gudaha Baarka Pizza House. Wakaalada Wararka Reuters ayaa soo werisay in ilaa 20 qof ay dableyda Alshabaab ku heystaan gudaha Baarka.
Korontada degaankaasi ayaa la jaray, waxaana hareeyay mudgi keenay in waxba la arki waayo. Ciidamada Gaashaan ayaa ku howlgalaya qalab mugdiga wax looga arki karo, laakiin waxaa la sheegay in dadka ku jira dhismaha ay ka cabsi qabaan inay qasaare soo gaarto.
Gaadiidka Gurmadka ayaa xaqiijiyay in dad gaaraya 17 qof ay ku dhinteen qaraxa iyo weerarka caawa ka dhacay Muqdisho, iyadoo dhaawacu ka badan yahay 25 kale.