Dagaal sababay dhimashada 10 qof oo ka dhacay Gobolka Hiiraan

Dagaal u dhaxeeyay laba Maleeshiyo beelood ayaa maqribnimadii xalay ka dhacay deegaan lagu magacaabo Beenyaaleey oo ka tirsan degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa la sheegay in uu sababay dhimashada 10 qof halka dad intaas ka badana ay ku dhaawacmeen, Dadka ku dhintay dagaalka ayaa waxaa la sheegay inay ahaayeen dhinacyadi iska soo horjeeday.

Gudoomiye ku xigeenka degmada Maxaas Cali Xaaji Xasan, ayaa sheegay in dhaawacyada malayshiyaadka dagaalamay la geeyay isbitaalada magaalooyinka Guriceel iyo Baledweyne.

Dagaalka xalay ka dhacay degmada Maxaas ayaa salka ku haya muran ka dhashay dhul daaqsimeed la degaameyn rabay.

Sida uu sheegay Gudoomiye ku xigeenka dagaalka ayaa ahaa mid xooggan , waxaana uu sheegay in ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 20 qof.

Gudoomiye ku xigeenka ayaa la weydiiyay in ay dagaalkan qayb ka yihiin ciidamada dowladda Soomaaliya balse waxa uu sheegay in uu dagaalkan u dhaxeeyo kaliya dad xoolo dhaqato reer miyi ah.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay waddaan dadaallo kala duwan oo lagu xasilinaayo Xaaladda hadda ka jirta duleedka degmada Maxaas.

Xiisad ayaa hadda ka taagan meelihii lagu dagaalamay ,iyadoona beelihii dagaalamay ay is hor fadhiyaan.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay is fara saaraan maleeshiyo beeleed halkaas daris ku ah ayadoo Soonkan dhexdiisa ay tahay markii labaad oo ay dagaalamaan.