Madaxda Urur Goboleedka IGAD,ayaa waxa ay Wakiil Cusub u soo magacaabeen dalka Soomaaliya kaas oo bedeli doona Wakiilkii hore Maxamed Cabdi Afeey.
Wakiilka Cusub ayaa waxaa lagu magacaabaa Maxamed Cali Guyo,kaas oo xiligan wixii ka dambeeya ah Wakiilka Urur Goboleedka IGAD,ee dalka Soomaaliya.
Wakiilkii hore ee Urur Goboleedka IGAD,ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Afeey,ayaa waxaa Qaramada Midoobay ay horay ugu magacaawday wakiilkeeda arrimaha Qaxootiga Soomaaliya iyadoo aan ka qaadin xilkaas.
Magacaabista ayaa timid ka dib markii Hay’adda Qaramada Midoobey u qaabilsan Qaxootiga Wakiilkii u qaabilsan IGAD Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ay u magacowday wakiilkeeda arrimaha Qaxootiga Soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa waddamada IGAD ay ergay gaar ah u magacaabeen arimaha dalka Suudaanta Koonfureed, waxaana ergayga cusub lagu magacaabaa Ismaaciil Wacays. Ergayga cusub ayaa hadda ah La-taliyaha Arrimaha Dhaqaalaha ee Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.