Ra’isalwasaare Khayre oo ka qayb galaya shirka IGAD oo maanta ka furmaya Adis Ababa

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Villa Somalia ayaa xaqiijinaya in Madaxweynaha uusan ka qeyb gali doonin shirka, sababo la xiriira shaqooyin badan oo u yaala, taa bedelkeed uu Ra’iisul Wasaaraha u diray Addis Ababa

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa shirka ka qeyb galaya, waxaana lagu wadaa inuu saaka u ambababaxo magaalada Addis Ababa.

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ku tagayo Addis Ababa ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu ku tago, sidoo kale waa safarkii labaad oo uu dalka dibaddiisa ugu ambabaxo.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa todobaadkii hore iclaamiyay shir deg deg ah oo looga hadlayo Xaalada wadanka Koofurta Sudan, isagoo ku casuumay Madaxda ku bahoobay urur goboleedka IGAD.

Shirkan ayaa diirada lagu saarayaa xaalada colaadeed iyo mida bani’aadanimo ee ka jirta Koofurta Sudan.