Waxaa saakay Howl gal baaritaano ah oo amaanka lagu sugayo ay ka socdaan degmooyin hor leh oo ku yaalo Gobolka Banaadir.
Baaritaankan ayaa waxaa samaynaya Ciidamada Xasilinta Muqdisho kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay howl galo caynkan oo kale ah ka samaynayay gudaha Magaalada Muqdisho isla markaana amrayay in ay istaagaan Gadiidka yar yar ee shacabka si loo baaro.
Sida ay wararku sheegayanan ciidamada ayaa saaka baaritaan ka wada waddooyin cusub, sida wadada Buundooyinka ee degmooyinka Waaberi iyo Xamar Jajab.
Ciidamada ayaa si gaar ah u baaraya, gaadiirka yar yar, iyadoo la joojinayo gaadiidka, kaddibna darawalka su’aallo la weydiinayo, sida aqoonsiga, hubinta gaariga iyo waxyaabaha saaran.
Sidoo kale ciidamada ayaa baaraya dadka saaran gaadiidka dadweynaha, kuwaasoo iyana su’aalo weydiinaya.
Xaladda magaalada Muqdisho ayaa amni ahaan isbedashay wixii ka dambeeyay markii dowladda Federaalka sameysay ciidanka xasilinta Muqdisho, kuwaasi oo magaalada ka bilaabay hub uruurin iyo howlgallo kale oo amniga lagu sugayo.