Wasiirada iyo xildhibaanada maamulka Hirshabeelle oo maanta si gooni ah ugu kala shira Balcad iyo Jowhar

Wararka aan ka heleyno Magaalada jowhar ee Xarunta Maamulka Hir-Shabeelle iyo waliba degmada Balcad ee isla Gobolkaasi Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in Golaha Wasiirada Maamulka Hir-Shabeelle ay Maanta yeelanayaan kulamo Gooni gooni ah.

Kulanka koowaad ayaa waxa uu ka dhici doonaa degmada Balcad kaas oo la filayo in uu furo Madaxweyne Cali Cabdullaahi(Cosoble) halka kaas mid la mid ahna uu ka dhici doono Magaalada Jowhar.

Illaa iyo hadda faahfaahin ku saabsan ajandayaasha loogaga hadlayo kulanka ay ku yeelanayaan Golaha Wasiirada Hirshabeelle magaalada Balcad kama soo bixin maamulka Hirshabeelle balse Madaxweynaha Maamul goboleedka  Hirshabelle ayaa dhowaan iclaamiyay in uu dhigayo magaaalada Balcad gogol looga arrinsanayo  Maqaamka gobolka Banaadir.

Dhinaca kale xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa looga yeeray magaalada Jowhar inay ka soo qeybgalaan kulan ka dhacaya magaalada Jowhar ee xarunta dowlad goboleedka Hirshabeelle isla maanta oo ah Isniin.

Guddoomiyaha baarlamaanka Hirshabelle Sheekh Cismaan Barre Maxamed ayaa shalay gaaray magaalada Jowhar iyadoo hore ay ugu sugnaayeen labadiisa ku xigeen balse kama hadlin kulanka ay maanta yeelanayaan Baarlamaanka Hirshabeelle.

Xildhibaanada baarlamaanka ayaa loo gudbiyay ajandaha loogaga hadlayo kulankan oo la sheegay inuu yahay dib u eegista dastuurka dowlad goboleedka Hirshabeelle qodobka 34aad, qeybtiisa B oo ah wax ka bedelka dastuurka DGHSH.

Lama oga sida ay ay ugu qabsoomi karaan hal maalin magaalooyin kala duwan kulamo ay  kala yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle iyo Golaha Wasiirada Hirshabeelle iyadoo la ogyahay in illaa 35 xildhibaan ay ka tirsan yihiin Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Arrintan ayaa u muuqanaysa iska warhayn la’aan ama loolan ka dhex jira golaha sharci dajinta iyo golaha fulinta dowlad goboleedka Hirshabeelle. Qaar ka mid ah Golaha Wasiirada ahna xildhibaano ayaa sheegay in ay ku wareersan yihiin kulanka ay ka qeybgalayaan maadaama aysan suurtogal ahayn in labada shir ay ka wada qeybgalaan.