Maamulka Sooamaliland ayaa shalay ku dhawaaqay in uu raacay go’aankii horay wadaamda Khaliijka u qateen oo ahaa in ay xiriirka u jareen dowladda Qatar islamarkana diyaaradaheeda isticmaali karin Hawqada Soomaaliland balse taasi ay noqon mi dhaqangasha.
Wararka aan ka heleyno deegaanada Maamulkaas ayaa waxa ay sheegayaan in dhowr diyaaradood ay leedahay dowladda Qatar ay isticmaaleen Saacadihii la soo dhaafay Hawada Soomaaliland taas oo meesha ka saareysa go’aankii ay shalay gaareen golaha Wasiirada maamylka Soomaaliland.
Xalay ilaa Maanta ayaa Diyaaradaha dowladda Qatar waxa ay si caadi ah u isticmaalayaan Hawada Soomaliland,waxana jirin ilaa iyo hada masuuliyiin ka tirsan maamulkaas oo ka hadlay.
Maamulka Soomaaliland ayaa ah maamul kaligiis gooni isku taagay kaas oo aan la qoonsaneyn balse Weli dowladda Soomaaliya weli Go’aan kama gaarin Go’aankii ka soo baxay Wadamada Khaliijka.