Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al-Shabaab ayaa dagaal xooggan waxaa uu shalay ku dhexmaray degaano ka tirsan Shabeelaha Hoose.
Dagaalkan oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa guulo ka sheegaty Dowladda Soomaaliya halka Al-shabaabna ay sidoo kale sheegeen in ay dhankooda libinta heystaan oo ay iska difaaceen weerarka ay kusoo qaadeen ciidanka Huwanta ah.
Al-shabaab ayaa soo bandhigay Sawiradda Gaari Nuuca dagaalka ah ee ay Isticmaalaan Ciidamada AMISOM oo ay sheegeen in ay ku gubeen dagaalkii Shalay ka dhacay gobolka Shabeelaha Hoose.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaalkii Shalay AMISOM gawaari uga gubeen , islamarkaana ay iska difaaceen.
Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in ay deegaanadii shalay duulaanka ku qaadeen ay isla galabnimadii shalay dib u gurasho uga soo baxeen.