Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo taageero ka helaya ciidanka AMISOM oo saakay weeraro culus ku qaaday deegaano ka tirsan SH/Hoose isla markaana ay Ururka Shabaab maamulayeen ayaa lasoo sheegayaa in ay dib uga soo laabteen Goobihii ay saakay ka qabsadeen Shabaabka.
Militariga Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM ayaa saakay Shabaab ka qabsaday deegano dhowr ah kuwaas oo ay ka mid yihiin Bariiri, Mubaarak, Farsooley, iyo degaanka Janaale balse wararka la helayo ayaa sheegaya in ciidamadaasi ay hadda dib uga soo gurteen deeganadaas.
Ilo ku dhow dhow saraakiisha ciidamada xoogga dalka ayaa sheegaya in weerarka saakay uu ahaa howl gal kooban, oo lagu qaaday fariisimo Al-Shabaab ku lahaayeen inta u dhaxeysa Janaale illaa Afgooye.
Dagaalada oo ahaa kuwo culus ayaa la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada dowladda ayaa la sheegay in khasaare ka soo gaaray miinooyin wadada ku aasnaa oo lala eegtay, sidoo kale ciidamada AMISOM ayaa iyana la sheegayaa in khasaare uu gaaray, inkastoo aan si rasmi loo ogeyn.
Warar la helayo ayaa sheegaya in illaa tobaneeyo ruux oo dhinacyadii dagaalamay ahaa inay ku dhinteen dagaaladii maanta dhacay.
Ciidamada ayaa saakay la wareegay tuulooyinka mubaarak, bariire illaa nawaaxiga Janaale, waxaana la sheegay inay iska caabin xooggan ay kala kulmeen Al-Shabaab.
Xaalada deegaanadii lagu dagaalamay ayaa la soo sheegayaa inay haatan degan yihiin, waxaana ka barakacay dadkii ku dhaqnaa.