Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo Shabaab kala wareegay deegaano ka tirsan SH/Hoose

Aroortii Hore ee saakay ayay ciidamada Militariga Soomaaliya iyo kuwa AMISOM waxa ay duulaan ku qaadeen Deegaano ay shabaabku maamulaan ee hoos-taga Degmooyinka Afgooye iyo Janaale.

Ciidamadan ayaa lasoo sheegayaa in ay durba la wareegeen Deegaano ay kamid yihiin Baladul-Amiin, Farsoley, Mubaarak iyo Bariire oo ahaa tuulooyin hoos taga degmada Afgooye isla markaana ay shabaabku maamulayeen.

Wararka ayaa sheegaya in dagaal uu halkaas ku dhex maray ciidamada huwanta iyo dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale Ciidamada huwanta iyo Al-Shabaab ayaa la soo sheegayaa in dagaal xooggan uu ku dhex marayo agagaarka deegaanka Janaale.

Xaalada deegaanka Janaale iyo deegaanada ku dhow dhow ayaa kacsan, iyadoo ay isaga barakaceen dadkii deegaanka ee ku sugnaa.

Duulaanka saaka ciidamad dowladda ku qaadeen Al-Shabab ayaa la sheegay inuu ahaa mid qorsheysnaa oo maalmahan ciidamada ay wadeen dhaq dhaqaaqyo ciidan.

Al-Shabaab ayaa gacanta ku heysa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo la sheego inay yihiin goobaha inta badan ay dagaalada ka soo abaabulaan.