Askar ka baxsatay hub ka dhigista ka socoto magaalada Muqdisho oo dhac ka gaysta degmada….

Waxaa maalmihii u dambeeyay magaalada caasimada ah ee Muqdisho ka socday hal galo hub ka dhigis ah kuwaas oo ay fulinayeen ciidamo loogu magac daray Ciidamada Xasilinta Amniga Muqdisho.

Ciidankan ayaa si qaas ah uga howl gala Magaalada Muqdisho ayagoona habeen iyo maalin lagu arko Wadooyinka Waaweyn ee magaalada Isla markaana bartilmaameedsanaya ciidamada Hubka waaweyn iyo kan yar yarba  ku dhex wato gudaha magaalada Muqdisho.

Hadaba Gudoomiyaha degamda Kaxda ee Gobolkaan Banaadir Maxamed Ismaaciil Macalin ayaa sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda balse ka soo cararay howlgalka hub aruurinta ee ka socda Magaalada muqdisho ay qaati ka taagan yihiin islamarkaana ay dhibaato ka wadaan xerooyinka barakacayaasha ee ku yaalla degmada Kaxda.

Waxa uu sheegay in Ciidamadaas soo cararay ay mararka qaar dhac u geestaan dadka barakayacayaasha ah balse xaalada kale ee dhanka amniga degmada ay tahay mid aad u wanaagsantahay