Madaxweyne Gaas oo iclaamiyay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab Iyo Daacish

C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururada Al Shabaab iyo Daacish, si looga sifeeyo Deegaanada Puntland.

C/weli Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Maamulka Puntland, ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Ururada Al Shabaab iyo Daacish, si looga sifeeyo Deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Puntland oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Garoowe, ayaa Ururka Al Shabaab ku eedeeyay in 8-dii bishan ay weerareen dad Muslimiin ah oo ku cibaadeysanayay Deegaanka Af urur ee Gobolka Bari, xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadan.

Madaxweynaha Puntland, ayaa kooxaha argagixisada ku eedeeyay in ay u soo tafa-xeeteen inay gumaadan shacbiga Somaliyeed, balse ay Puntland diyaar u tahay in ay iska difaacdo.

Madaxweynaha, ayaa soo hadalqaaday in Puntland ay ebid iska dhicin jirtay argagixisada, hadana ay diyaar u tahay in ay ka xoreyso deegaanada ay kaga sugan yihiin dhulkeeda.

C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa shacabka reer Puntland ugu baaqay in ay u diyaargarowban dagaal adag oo ka dhan ah buu yiri burcad diimeedka ku soo duulay dalkooda.

C/weli Gaas, ayaa ballanqaaday in dhulka Puntland ay ka sifeen doonaan Shabaab, Daacish iyo inta buu yiri u soo duullaan tagtey in ay gumaaddo shacabkayaga.

Dowladda Dhexe Somaliya iyo Beesha Caalamka, ayuu ugu baaqay in Puntland laga gacan siiyo dagaalka adag, ee ay kula jirto waxa uu ugu yeeray sharwade-yaasha.

Gaas, ayaa xusay in uu magacaabay Guddi Wasiiro ah oo soo qiimeeya dhibaatada ka dhacday Deegaanka Af urur, kana qayb qaata gurmadka ay u baahan yihiin dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi.