Madaxweyne Farmaajo oo ka baaqanaya Shirka IGAD iyo R/wasaare Khayre oo ka qayb galaya ogaw Sababta

Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayay macquul tahay inuu ka baaqdo shirka ay isagu imaanayaan Madaxda Ururka IGAD kaasoo Isniinta soo socata ka furmi doona magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo xilligan haya Madaxtinimada Urur Goboleedka IGAD ayaa todobaadkii hore iclaamiyay shir deg deg ah oo looga hadlayo Xaalada cakiran ee ka jirta dalka Koofurta Sudan.

xog la helay ayaa tilmaameysa in madaxweyne Farmaajo uusan qorshaha ugu jirin in uu shirkaas ka qayb galo balse badalkiisa uu ka qayb galo Ra’isalwasaare khayre markii ugu horeysay shir ay isagu imaanayaan madaxda ururka IGAD.

Warar laga helayo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu Axada soo socota u ambabixi doono Addis Ababa, si uu maalinta Isniinta oo uu shirka furmayo uga qeyb galo.

Sababaha Madaxweyne Farmaajo uga baaqsanayo shirkaas ayaa isugu jirta dhowr arrin, waxaana dadka qaar ku micneynayaan in Madaxweynuhu doonayo inuu ku yareeyo dhaliilaha maalmahan loo soo jeedinayay oo ahaa safarada badan, iyadoo markii xilka loo doortay uu illaa 10 jeer safray.

Madaxweyne Farmaajo oo dhowaan ay u buuxsantay boqolka maalmood ee uu xafiiska joogo ayaa difaacay waxqabadka dowladdiisa, mudadii uu xafiiska joogayna ay waxyaabo badan u qabsoomeen.

Horaantii bishii May ayay aheyd markii Madaxweyne Farmaajo uu booqashadii u horeysay uu ku tagay Addis Ababa, inkastoo uu soo gaabiyay safarkiisa, kaddib dilkii Wasiir ka tirsan Xukuumaddiisa.