Madaxweyne Farmaajo ayaa maalmo kahor Waxa uu warqadaha Aqoonsiga ka gudoomay Safiirka cusub ee dalka Canada u qaabilsanaan doona Soomaaliya ayaan wax deganaasho ah ku yeelan doonin maadaama dowladda Canada aysan safaarad ku lahayn gudaha Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa waqtiga uu ka gudoomayay Warqadaha Aqoonsiga Safiirkan waxa uu ku sugnaa Garoonka diyaaradaha Adan Cadde.
Safiiradan oo lagu magacaabo Sara Hradecky ayaa waxay Canada u qaabilsan tahay illaa shan dal oo ku yaala dalalka Bariga Afrika, sida Kenya, Uganda, Rwanda, Burundi iyo Soomaaliya iyadoo xarunteeda tahay Kenya, halka wadamada kalena aanay degenaansho ku laheyn.
Qoraal ay soo dhigtay barteeda Twitter-ka ayay ku sheegtay inay sharaf u tahay in waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo ka guddoomo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.
Sidoo kale waxaa ay kula kulantay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaahsiga Caalamiga Danjire Yuusuf Garaad Cumar.
Safiirada cusub ee Canada u qaabilsan Soomaaliya ayaa waxay kaloo xarunta Xalane kula kulantay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Micheal Keating iyo madax kale.
Inkastoo Madaxtooyada iyo Wasaaradda Arrimaha dibadda aysan midna faafin arrintan, hadana waxaa loo arkaa in dowladda Soomaaliya arrintan hoos u dhigtay, maadaama Safiirada degenaansho ku laheyn Soomaaliya, isla markaana halka warqadaha aqoonsiga looga guddoomay aanay aheyn Madaxtooyadii Qaranka.
Waa markii u horeysay ee Madaxweynaha uu Safiir la soo magacaabo waraaqaha aqoonsiga kaga guddoomo gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho, waxaa horay Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxweynayaashii ka horeeyay ay waraaqaha aqoonsiga ay Safiirada kaga guddoomi jireen Madaxtooyada, taasoo ah nidaam qeyb ka ah shuruucda diblomaasiyadda Caalamiga ah.