Al-shabaab oo sheegtay in ay Gaadiid dagaal ka qabsadeen ciidanka Puntland

Ururka Al-shabaab ayaa saakay waaberigii hore waxa ay weerar ku qaadeen Saldhig ciidanka Puntland ay ku lahaayeen Degaanka Af-urur oo ah duleedka magaalada Boosaaso.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in Ciidamo badan oo ka tirsan maamulka Puntland ay ku laayeen, gaadiid badana ay ku qabsadeen dagaalkii saakay aroortii ka dhacay Degaanka Af-urur oo ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso.

Warbaahinta ku hadasha Afka Shabaabka ayaa waxa ay sheegtay weerarkaasi in uu ahaa mid abaabulan, sidoo kalena ay la wareegeen degaanka.

Afhayeenka dhanka hawlgalada Ururka Al Shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab ayaa sheegay 61 Askari inay dileen, halka sidoo kale uu tilmaamay inay qabsadeen 16 gaari oo 9 ka mid ah ay yihiin gaadiidka dagaalka ee ciidamada Puntland leeyihiin.

Illaa hadda Saraakiisha ciidamada Puntland kama aysan hadlin weerarkaan culus ee Shabaab saaka aroortii ay ku qaadeen Saldhiga ciidamada Puntland ee degaanka Af-urur.

Sidoo kale majirto warar dhex dhexaad ah oo sheegaya in Shabaabku qasaare xoogan ka gaysteen dagaalki saakay dhex maray ayaga iyo ciidamo katirsan maamulka puntland marka laga reebo sheegashadooda.