Faahfaahinta Shan Qof oo xalay Gaari lagala degay lana dilay iyo Raggii dilay qaar kamid ah oo la qabtay

Waxaa xalay degaanka Xawaadley ee hoostagta degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Hoose  lagu dilay shan ruux kuwaas oo la sheegay in laga degay Gaari ay saarnaayeen.

Dadkaan ayaa xiliga la dilayay waxa ay sarnaayeen Gaari siday Khudaar oo ay u soo wadeen Magaalada muqdisho balse xili ay marayeen meel lagu magacaabo Beerta Maxamed Dirshe waxaa gaarigii ay saarnaayeen kala degay kooxo hubeysan oo wadada taagnaa kuwaas oo dhowr Xabadood ku dhuftay sida uu inoo xaqiijiyay gudoomiye kuxigeenka arimaha bulshada maamulka Dagmada Balcad Jeele maxaas Jiibaar.

Jeelle waxa uu sheegay in raggii falka gaystay 3 kamid ah gacanta lagu soo dhigay ayadoona lagu hayo degaanka Xawaadley halka ragii kale oo baxsadayna lagu raad joogo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in Maamulka degamda Balcad ay ku raadjoogaan Maleeshiyaadkii hubeesnaa ee xalay dadkaasi rayidka ah ku dilay deegaanka Xawaadley

Sababta ka dambeysa arintaan ayaa lagu sheegay mid la xiriirta aanooyin qabiil oo ka kala dhaxeeyay Maleeshiyaadkii hubeesnaa ee wax dilay iyo kuwa la dilay.

Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Balcad lagu heshiisiinayey qabiilo isku dagaalayay nawaaxiga magaalada Balcad.