Ra’iisul Wasaare Kheyre oo shir Guddoomiyey kulan looga hadlayay fulinta qodobadii shirkii London(SAWIRRO)

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta shir guddoomiyey kulan looga hadlayay fulinta qodobadii ka soo baxay shirkii London, gaar ahaan qeybta amniga iyo sidii wadajir looga shaqeyn lahaa taabagelinta heshiiska.

Qodobada muhiimka ah ee shirka diiradda lagu saaray waxaa kamid ah dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka oo qeyb ka ahaa qodobka ugu muhiimsanaa ee shirkan London looga hadlay, kaas oo horey dawlada dhexe iyo maamulada Federaalka ku heshiiyeen qaabkii dib-u-dhiska loogu sameyn lahaa ciidanka Qaranka.

Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Federaalka iyo inta badan safiirada beesha Caalamka u fadhiya Soomaaliya.

Shirkii arrimaha Soomaaliya ee lagu qabtay aqalka Lancaster House ee magaaladda London, oo ay si wadajir ah shir gudoominayeen dowladda UK, madaxweynaha Soomaaliya mudane Maxamed C/laahi Farmaajo iyo xoghayaha guud ee qaramada midoobey ee Antonio Guteres ayaa qodobadii lagu heshiiyay waxaa ugu muhiimsanaa, dib-u-dhiska ciidanka Qaranka Soomaaliya, xoojinta amniga qaranka iyo in Soomaaliya laga taageero Arrimaha bani’aadanimada.