Wasaaradda Amniga oo Amar kasoo saartay dadka ku shaqaysta Dukumiintiyada been abuurka ah.

Wasaarada Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay go’aano la xiriira ducomentiyada been abuurka ah ee waxbarashada iyo ganacsiga loo isticmaalo.

Wasaarada amniga ayaa sheegtay in talaabo adag laga qaadayo cidii lagu qabtaa iyadoo shaqo ku raadsaneyso Shahaadooyin been abuur ah oo uusan aqoonteeda lahayn.

Wasaarada amniga ayaa sidoo kale sheegtay in qof walbo oo ka ganacsanayo ducomentiyada been abuurka ah talaabo adag ooo sharciga waafaqsan laga qaadayo isla markaana Maxkamad la soo taagayo.

Wasiir Ku Xigeenka Wasaarada Amniga ee Dowladda Federaalka Soomaaliya C/naasir Saciid Muuse ayaa sheegay in aysan aqbali doonin in ay sii jiraan dadka isticmaala iyo kuwa ka ganacsada ducomentyada been abuurka ah.

Waxa uu Taliska booliiska ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii dadkaasi gacanta loogu soo dhigi lahaa oo sharciga loo horkeeni lahaa.

Sidoo kale Wasiir ku xigeenku waxa uu dadka shacabka ah ka codsaday in ay soo sheegaan cid walba oo ku shaqaysanayso waxaysan aqoon u lahayn taasoo ay hadhow dhibaato kasoo gaari karto haday tahay Dukumiinti iyo haday tahay dhanka Shaqadaba.