Somaliland oo ka hadashay sababta ay ugu diiday Wasiirki Hore Arimaha Dibedda Soomaaliya inuu ka dhoofo Garoonkooda

Maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay sabatii keentay in ay xayiraan Ismaaciil Hurre Buubaa kaasoo mar soo noqday Wasiirkii hore ee Arimaha dibedda Soomaaliya.

Laanta Socdaalka Maamulka Soomaaliland ayaa Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa ugu diiday inuu ka dhoofo garoonkooda Magaalada Hargaysa sababta ah inuu watay Baasaboorka Diblomaatiga ee Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Wasaarada arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse diiriye ayaa sheegay in Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa uu kamid yahay Muwaadiniinta Reer Soomaaliland balse lagu arkay Baasaboor Soomaali ah kaas oo u doonayay in uu kaga dhoofo Magaalada Hargeysa taasna aysan aqbaleyn.

Waxa uu hadalkiisa intaas raaciyay in Soomaaliland uu yahay dal Soomaaliya inteeda kale ka go’ay islamarkaana aanan lagu arki Karin cid wadata Baasaboorka Soomaaliya.

Sikastaba Ismaaciil hurre Buubaa oo horay u soo noqday Wasiirka Arimaha Dibadda Soomaaliya ayaa xiliga la xayiraayay waxa uu watay Baasaboorka Diblomaatiga ee Soomaaliya  isagoo ku sii jeeday dalka Kenya Balse  Ciidamada Soomaaliland ay diideen in uu ka dhoofo Garoonka Magaalada Hargeysa..