R/wasaare Khayre oo kormeer ku tagay Wasaaradda Arimaha Dibedda Soomaaliya

R/wasaare Kheyre ayaa maanta kormeer ku tagey Wasaaradda Arrimaha Dibeda iyo Xariirka Caalamka waxuuna kulan layeeshey shaqaalaha iyo madaxda Wasaarada,isagoo kala hadley arimaha shaqada iyo sida ay howshu usocto. Sidoo kalena waxuuu warbxino ka dhageystey qaar kamid ah Agaasimayaasha Wasaarada oo uga warbixiyey isbedelka shaqada.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa kormeerey xafiisyada ay ku howlgalaan shaqaalaha waxuuna aad u bogaadiyey sida qurxda badan ee xafiisyada Wasaarada loo nidaamiyey,waxuuna ku amaaney arintaas shaqaalaha iyo maamulka Wasaarada Arrimaha Debidda ee Soomaaliya.

Xasan Cali Khayre ayaa yiri “Waxaan aad ugu farxsanahey sida quruxda badan ee shaqada usocoto iyo isbedelka ka muuqda Wasaarada, waxaana aad ugu bogaadinayaa madaxda wasaarada in loo baahan yahey iney sii balaariyaan shaqada ay u hayaan qaranka”

Ra’iisulwaraarahu waxa uu kulan gaar ah la qaatey Agaasimayaasha shaqada iyo Wasiirka Arrimaha Debida Yuusuf Garaad Cumer waxuuna weydiiyey arimaha loo bahanyahey in wax laga badelo iyo qorshaha waxqabed ee u degsan Wasaarada inta ka dhiman Sanadka.

Waxey booqashadan qeyb ka tahey koormeerka uu Ra’iisul Wasaare Kheyre ku booqdo xafiisyada Hay’addaha dolwada Soomaaliya asagoona mudooyinkii u dambeeyay kormeer ku tagayay Xarumaha Wasaaradda Dowladda Soomaaliya.

SAWIRO