Madaxweynaha Galmudug oo safarkii uu Gaalkacyo ku tagi lahaa u weeciyay magaalada Cabudwaaq

Madaxeynaha Maamulka galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sabab aan wali la shaacin u baajiyay safar uu ku tagi lahaa maalinimadii shalay magaalada Gaalkacyo.

Balse Madaxweyne Xaaf iyo Wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud kadib markii shalay uu ka baaqday safarkii   uu ku tegi lahaa Magaalada Gaalkacyo.

Madaxweynhaa iyo Wafdigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Caabudwaaq,waxaana lagu wadaa in Madaxweyne xaaf uu kulamo la qaato Bulshada ku nool Magaaladaasi.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa horey u sheegay inuu doonayo wdashaqayn degmooyinka Maamulda Galmudug taasoo uu ku sheegay in looga gudbi karo marxalada adag ee ka taagan Deegaanada Maamulka Galmudug.