Madaxweyne Farmaajo oo Qudbad cajiib ah jeediyay iyo soodhaweyntii Banaadir Stadium (Sawiro)

Banaan bax balaaran oo lagu taageerayo Dowladda Federalka Soomaaliya aya hadda Ka soconeysa Banaadir Stadium ee degmada Cabdi Casiis.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Garoonka Kubadda Cagta ee Banaadir Studium khudbad u jeedinaya kumanaan qof oo laga kala keenay 17 -da degmo ee gobolka Banaadir.

Waxaana Madaxweynaha Garoonka kusoo dhaweeyay Cutubyo ka tirsan Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga Saartay Ammaanada iyo sidoo kale sidii loola dagaalami lahaa Musuq maasuqa, waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin Musuq maasuqa.

Waxaa uu Bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay dowladda la shaqeeyaan , islamarkaana ay garab istaagan.

Mudane Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed uu u keenay Ra’iisul Wasaare Asaga ka wanaagsan , Ra’iisul Wasaarahana uu Keenay Wasiiro ka wanaagsan ,Wasiiradana laga rabo in ay keenaan Shaqaallo ka wanaagsan.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Askari ka tirsan Ciidamada dowladda in uusan waxyeelo u geysan Karin Shacabka hadii ay waxyeelo gaarsiiyaan tiirka la geyn doono.

Askarta Ciidamada dowladda ayuu uga digay in ay dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed.

Farmaajo ayaa dagaalyahanada Al-Shabaab ugu baaqay in ay dagaalka joojiyaan ,islamarkaana ay Nabad qaataan.

Farmaajo ayaa sidoo kale xusay in hadii ay Al-Shabaab ay dagaalka joojiyaan in Ciidamada AMISOM ay dib ugu laabanayaan guryahooda.

Caddaaladda ayuu xusay Madaxweyne Farmaajo in si weyn diirada loo saari doono Saddexda Bilood ee soo socota.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdiisa ay xoogga saari doonto Shaqo Abuurka dhalinyaradda Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntii Waxaa uu Shacabka ugu baaqay in ay muujiyaan isku duubni.

 

SAWIRO