Banaanbax lagu taageerayo Madaxweyne Farmaajo oo ka dhacaya Muqdisho (Sawiro)

Waxaa Hadda Garoonka Banaadir Stadium ee Magaalada Muqdisho ka socda Banaanbax uu soo qaban qaabiyay maamulka gobolka Banaadir kaasoo lagu taageerayo Madaxweynaha Soomaaliya.

Banaanbaxaan ayaa waxaa lagu taageerayaa 100-kii maalmood ee ay shaqeynaysay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed.

Boqolaal dadweyne ah oo ka kala yimid degmooyinka Gobolkaan Banaadir,waxaana dibadbaxayaasha ay wataan Calamo ay ku sawiran yihiin  Madaxda ugu sareysa dalka Soomaaliya.

Boqolkii Maalmood oo ay jirtay xukuumadda Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi (Farmaajo) ayaa Shacabka soomaaliyeed u arkaan in uu waxbadan qabtay,waxana taasi ay Shacabka uga jawaabeen in ay dibadbax ku taageeraan.

Wadooyinka degmooyin ka tirsan Gobolkaan Banaadir ayaa xiran sida C/Casiis,Shibis iyo Boondheere ee Gobolkaan Banaadir waxana lagu arkayaa ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo amaanka xaqiijinaya.

SAWIRO