Diyaarad kusoo dhacday Garoonka Diyaaradaha magaalada Garbahaarey

Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta Garoonka Diyaaradaha magaaladaasi ay kusoo dhacday diyaarad ay isticmaalayeen qaar kamid ah Hey’adaha Qaramada Midoobay.

Diyaaradan kusoo dhacday Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garbahaarey ayaan ilaa iyo hadda lama ogaan ciladaha qabsaday waqtigii ay ku dhaceyse Garoonka.

Ilaa iyo hadda lama xaqiijin waxyeelada soo gaartay dadkii la socday diyaaradan yar balse in ay diyaaradu soo dhacday ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay Mas’uul ka tirsan Garoonka Diyaaraha ee Garbahaarey.

Waxii akhbaar ah oo kusoo kordhaa wan idinla socodsiin doonaa inshaa allah