Dagaal xoogan oo hadda ka socda Deegaan katirsan Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya degaanka Galinsoor ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in miyiga Kaxandhaale uu hadda ka bilawday dagaal xoogan oo u dhaxeeya xoolo dhaqato kasoo jeeda Galmudug iyo Rag hubeeysan oo loo malaynayo in ay gacan saar la leeyihiin ciidanka Liyuu Booliska.

Dagaalkan ayaa daba socda 3 Nin oo xoola dhaqato ah oo saakay lagu dilay duleedka degaankaasi.

Dilka 3 nin ayaa waxaa loo geystay dad reer guuraa ah oo kasoo jeeda maamulka Galmudug sida ay inoogu soo warameen dadka degaanka.

Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa waxa ay ka yimaadeen degaanka Saaxo Qurun, waxaana la sheegay in ay halkaasi dib ugu laabteen Markii ay dilka geysteen.

Maamulka degaanka Galinsoor ayaa warbaahinta u sheegay in sidoo kale kooxaha hubeysan ay jirdil u geysteen haween ku sugnaa goobta ay ku dileen Saddexda Nin.

Odayaasha dhaqanka degaanka ayaa waxa ay waddaan dadaalo kala duwan oo ay ku doonayaan in ay wax kaga qabtaan falalkaan kusoo laablaabtay degaanka Galinsoor.

Deegaanka Saaxo Qurun ayaa sidaan oo kale maalin sii horeysay dad loogu dilay kuwa kalena dhaawac loogu geystay.