Sida aan warka ku helayno Al-shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday Degaanka Kulbiyow halkaasoo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Kenya oo qaybta ka ah Ciidanka nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ee AMISOM.
Dagaalkan ayaa ahaa mid ku bilowday qarax ismiidaamin ah kadibna waxaa xigay Rasaas xogaan oo ay is weedaarsanayeen Ciidamada Kenyanka iyo Al-shabaab.
Dagaalkan ayaan la ogayn ilaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay waxaana markii uu dagaalku bilowday hawada ka baxay qadka isgaarsiinta ee degaanka Kulbiyow.
Degaanka Kulbiyow ayaa qiyaastii 60 Km u jira degaanka Baardheere ee Jubada Hoose waxaana degaankan horay uga dhacay weerar culus oo lagu laayay askar kenyan ah isla markaana qaar kale nolol ay ku wateen ururka Al-shabaab.
Dagaalada nuucaan oo kale ah ayaa waxay Al-shabaab ku qaadaan fariisimaha ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Gobolada Dalka Soomaaliya.
Waxii Faahfaahin ee kusoo kordhaa dagaalkan kala soco Goobsan Media