Howlgalo Wado Furis ah oo ka bilaawday Degaano katirsan Gobolka Bay

Ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM oo is kaashanaya ayaa waxa ay Howlgallo wado furis ah ka wadaan Degaano ka tirsan Gobolka Baay, kuwaasi oo ay u xiran yihiin Shabaab.

Gudoomiye ku xigeenka Degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay C/laahi Maxamed Cumar oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay Amniga in uu yahay mid soo hagaagaya, Howlgallo wado furis ahna ay socdaan.

C/laahi Maxamed ayaa tilmaamay in hadda degaanku uu yahay mid la isku halayn karo dadkana ay si nabad ah ku maraan Wadooyinka soogala deegaanka Awdiinle gaar ahaan wadada isku xariirisa Mgaalada Baydhabo iyo degmada Bardaale ee Gobolka Bay, sidoo kalena waxa uu sheegay in Howlgalkan ay iska kaashanayaan Ciidamada Koofur Galbeed iyo Kuwa AMISOM.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Kuwa Kuufur Galbeed iyo AMISOM ayaa dadaal xoogan ugu jira sidii ay u sugi lahaayeen Amaanka wadadaisku xirta magaaalada Baydhabo iyo degaanka Awdiinle oo qiyaastii 30 Km u jirta magaalada Baydhabo.