Liiska wadamada Afrika ugu Militariga dhisan oo lasoo saaray, iyo Soomaaliya oo kaalin lama filaan ah ka gashay

Warbixin ay soo saartay Hay’adda dunida u qaabilsan ogaanshaha awooda Ciidanka Millitariga ee (GFP) ayaa waxa ay ku sheegtay in Dowladda Masar ay tahay Dowladda Afrika ugu wanaagsan dhanka Ciidanka Millitariga.

Waxyaabaha lagu qiimeeyay Dowladda Masar oo ay ku gashay kaalinta koowaad ayaa ah in Ciidamadeeda ay heystaan Agab dhameystiran oo dhanka Cirka, Dhulka iyo Badda ah.

Kaalinta labaad waxaa galay dalka Algeri, Saddexaad waxaa gashay Ethiopia, waxaana dhammaan Ciidamadan laga qiimeeyay qalabka ay heystaan, awoodahooda dhanka Cirka, Dhulka iyo Badda intaba.

Dalkeena Soomaaliya waxa uu galay kaalinta 29-aad, waxaana keliya ka dambeeya Jamhuuriyada Afrikada Dhexe.

Waxaa jira wadama badan oo Afrikan ah kuwaas oo ka maqan liiskan wadamada ka maqan ayaa waxan ka xusi karnaa Senegal, Togo, Burkinafaso, Malawi, Gambia, Djibouti, Eritrea, Botswana, Benin,  iyo Swaziland. sidoo kale waxaa jira Wadamada yar yar ee jasiiradaha laguma soo darin liiskan.

Halkan ka akhriso Liiska oo dhamaystiran

  1. Masar
  2. Algeria
  3. Ethiopia
  4. Nigeria
  5. South Afrika
  6. Angola
  7. Morocco
  8. Sudan
  9. libya
  10. Democratic Republic of Congo
  11. Kenya
  12. Tunisia
  13. Zimbabwe
  14. Zambia
  15. Chad
  16. Tanzania
  17. Uganda
  18. South Sudan
  19. Ghana
  20. Cameroon
  21. Mozampique
  22. Niger
  23. Ivory Coast
  24. Mali
  25. Madagascar
  26. Gabon
  27. Republic of Congo
  28. Namimbia
  29. Somalia
  30. Central African Republic.

 

F.G Marka aduunka loo eego wadanka ugu wanaagsan Ciidanka Millitariga waxaa la sheegay in uu yahay dalka Mareykanka, waxaa ku xiga Ruushka, Chinaha, Hindiya iyo Ingiriiska.