Madaxweyne Farmaajo oo Fahad Yaasiin u magacaabay Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa maanta u magacaabay Fahad Yaasiin inuu noqdo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaaye magacaabistaas ayaa waxa uu yiri “Waxaan xilka Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u magacaabay Mudane Fahad Yaasiin oo ah nin dhallinyaro ah, karti iyo hufnaan aan ku bartay, kana soo dhalaali kara shaqada qaran ee loo igmaday. Waxaan Eebe uga baryayaa inuu masuuliyaddan culus u fududeeyo”

Sidoo kale Madaxweynahu ayaa waxa uu u mahadceliyay Agaasimhii hore Madaxtooyada Mudane Abuukar Daahir Cismaan oo loo yaqano(Baalle)

Horay waxaa muran xoogan uga dhaxeeyay Abuukar Baale iyo ku xigeenkiisii balse markaan sida la filayo qilaafkaas waa soo afjarmayaa.