Sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab oo isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa bartiisa twitter-ka ku sheegay in sarkaal ka tirsan ururka Al-shabaab isa soo dhiibay, Sarkaalkan ayaa ka hawlgeli jiray gobolka Mudug.

Sarkaalkan tirsanaa Ururka Al Shabaab ayaa la sheegay inuu isku dhiibay ciidamada Xoogga dalka Somaliya ee ku sugan Gobolka Hiiraan, sida ay sheegeen masuuliyiinta Dowladda Federalka Somaliya.

Sarkaalkaan isa soo dhiibay ayaa magaciisa waxaa lagu sheegay Bishar Mumin Faarah, kaasi oo Shabaab u qaabilsanaa dhanka jabhadaha, waxaana xiriir uu la soo sameeyay Saraakiisha ciidamada suuragashay in la soo dhaweeyo, Hadana waxa uu ku suganyahay Xero ciidan oo ku taal Gobolka Hiiraan halkaasoo waraysi lagula yeeshay.

Sarkaalkaan ayaa la sheegay inuu watay qoriga Ak47 , xilliga uu isa soo dhiibaayay,  sida uu xaqiijiyay Taliyaha Guutada 52-aad ee ciidamada Somaliya Jeneraal Maxamed Axmed Tereedisho.

Shabaab illaa hadda kama aysan hadlin Sarkaalkaa isku soo dhiibay dhanka ciidamada Xoogga dalka Somaliya, gaar ahaan qaybta Gobolka Hiiraan.

Inta badan Saraakiisha noocaan oo kale ah ee isku soo dhiibta ciidamada Xoogga dalka Somaliya, ayaa ka soo carara dhibaatooyinka kala duwan ee Shabaab ay ku hayaan shacabka marka ay u dulqaadan waayaan arintaasi.