Ciidamada Amniga Puntland oo Bosaaso ku Qabtay walxaha Qaraxa iyo ragii watay (SAWIRRO)

 

Ciidamada amniga magaalada Bosaaso ayaa gacanta ku dhigay maanta gaari laga soo buuxshay waxyaabaha qarxa oo la doonayay in gudaha loo galiyo magaalada sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha amniga.

Qaraxyada la qabtay ayaa isugu jiray lix Sanduukh oo ah nooca qaraxyada loo adeegsado, taarikooyin gaadiid oo laga isticmaalo Somaaliland iyo Muqdisho ,Isgaarsiin casri oo ah noocyada ay ciidamadu isticmaalaan iyo baaruud tiro badan.

Booliska ayaa soo saaray qaraxyadan iyo laba nin oo la sheegay in ay wateen ,waxaana lala xiray darawalkii waday gaariga lagu qabtay qaraxyadan oo ah nooca ay Soomaalidu u taqaano candhamaydlaha.

Howl-galkan ayaa daba-socday mid ay ciidamada Puntland ku soo qabteen walxaha qarxa iyo shan nin oo watay ,kuwaasi oo maalmo ka dib ay maxkamad-da gobolka Bari ay ku xukuntay dil toogasho ah.

Wali si rasmi ah looma shaacin magacyadan rag-ga la qatay iyo kooxda ay ka tirsanaayeen ,waxaana qabashadooda ay ku soo beegmaysaa ,iyada oo amniga magaalooyina Puntland si weyn loo adkeeyay maalmihii la soo dhaafay.

Ugu danbayn, shan qof ayaa ku geeriyootay tiro inta ka badan-na waa ay ku dhaawacantay qarax asbuucii hore ka dhacay magaalada Bosaaso ,kaasi oo ay mas;uuliyad-diisa sheegatay Daacish oo dagaal adag kula jirta ciidamada Puntland.