Dowlada Turkiga oo bilaabayaysa dib u dhiska Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya (SAWIRRO)

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay in la bilaabayo dib u dhiska xarunta Baarlamaanka Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.

Kulan dhex maray Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Olgan Bekar iyo guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Federaalka C/weli Muudey iyo Mahad Cabdalla Cawad ayuu safiirka uga dhawaaqay in sanadkan uu bilaabanayo mashruucii dib u dhiska Baarlamaanka Soomaaliya.

Dhismaha Baarlamaanka waxaa hore u balanqaaday wasiirkiii hore ee arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Devatoglu sanadkii 2012, xilli uu khudbad ka jeediyay xarunta Baarlamaanka Federaalka, isagoo sheegay in dhismaha iminka guud ahaan la burburinayo oo eber laga soo bilaabayo dhsimaha cusub.