Qaban qaabo xooggan ayaa ka socota magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Galmudug, halkaasoo lagu wado in maanta ay ka dhacdo caleema saarka Madaxweynaha cusub ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.
Dhowr diyaaradood oo waday wafuud kala duwan ayaa gaaray Cadaado, waxaana magaalada ay tahay mid la ciir ciireysa dadkii ugu faraha badnaa, hoteladana ay yihiin kuwo aad u buuxa.
Ammaanka Magaalada Cadaado ayaa Saaka si weyn loo adkeeyay , waxaana Xaafadaha kala duwan ee Magaaladaasi lasoo dhoobay Ciidamo isugu jira Boolis iyo Nabad Suggid.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa ku sugan Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa.
Magaalada Cadaado ayaa waxaa kusii qulqulaya Ergooyin lagu casuumay in ay ka qeyb galaan Caleema Saarka Madaxweynaha Galmudug.
Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa lagu waddaa in uu kasoo Ambabaxo Magaalada Kismaayo ,islamarkaana uu gaaro Magaalada Cadaado.
Warar hoose oo aan si rasmi ah loo xaqiijin ayaa sheegaya in maanta Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo asna laga yaabo inuu halkaas uga qayb galo caleemo saarka Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf.