R/Wasaare Khayre oo saaakay dhagax dhigay dib u dayac tirka Wadada 30-ka (Sawiro)

R/wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa saakay dhagax dhigay wadada 30-ka taasoo laga bilaabayo dib u dayac tir balaaran, Wadada 30-ka ayaa ka mid ah meelaha ay ka muuqdaan burbur xoogaan taasoo ay kasoo gaartay Roobabkii ka da’i jiray Magaalada Muqdissho.

Ra’iisul Wasaaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhismaha Wadooyinka Magaalada Muqdisho ay ka qeyb qaadanayso bilicda iyo sidoo kale xasilinta Caasimadda.

Waxaa uu bulshadda Soomaaliyeed ka dalbaday in ay u istaagan dhismaha Wadooyinka Muqdisho, Wadada Sodanka ayaa dhexmarta degmooyinka Hodan, Warta Nabadda , iyo Yaaqshiid.

Goobta Dhagax dhiga ayaa sidoo kale waxaa ku sugnaa Gudoomiyaha gobolka Banaadir mudane Taabid Cabdi Maxamed.