Sida ay xaqiijiyeen Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Imaaraatka Carabta waxaa Markab laga leeyahay dalka Imaaraatka uu kusoo xirtay Dekadda Magaalada Berbera, Markabkaan ayaa ku raran shixnado Gar gaar ah kaasoo loogu talo galay maamulka Somaliland.
Markaabkaan ayaa sida 1.700 tan oo Shixnad gar gaar ah waxaana ku deeqday Hay’adda Khalifa bin Zayed Al Nahyan Foundation, iyadoona Imaaraadka deeqdaan uu ugu talo galay dadka ku nool deegaanada Maamulka Somaaliland gaar ahaan kuwa ay abaartu saameysay.
Sida lagu soo waramayo Markabkaan ayaa waxa uu sidaa raashinka noocyadiisa kala duwan islamarkaan ay la socdaan Guddigii qeybin lahaa oo u dhashay dalkaasi Imaaraadka.
Dowladda Imaaraatka ayaa u muuqata mid sii adkeynaysa xariirka kala dhaxeeya Maamulka Somaliland ayadoo la xasuusto in Magaalada Berbera ay ka dhisteen Saldhigyo Milatari.