Dagaal culus oo markale ka dhacay Shabeelaha Hoose

Sida aan wararka ku helayno waxaa xalay markale dagaal culus ka dhacay degaanka lamabar 50 ee ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose.

Dagaalkan ayaa yimid kadib markii Shabaabka ay weerar ku qaadeen fariisimo Ciidanka Dowladda Federaalka ay ku leeyihiin Degaanka Lambar 50 oo ka tirsan Shabeelaha Hoose, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Dagaalka xoogiisa ayaa ka dhacay degaanka lagu magacaabo lambar 50, waxaana la isku adeegsaday Hubka nuucyadiisa kala duwan.

Laba ruux oo ka mid ah dadka ku nool degaanka L.50 ayaa dagaalkaasi ku geeriyooday, halka sidoo kale ay jiraan dhaawacyo soo gaaray shacabka sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.

Lama oga qasaaraha soo kala gaaray dhinacyadii halkaasi ku dagaalamay, balse waxaa jira qasaare, maadaama dagaalka uu ahaa mid culus oo labada dhinac rasaas kala duwan isweydaarsanayeen.

Sidoo kale waxaa jiray Madaafiic ku dhacday qeybo ka mid ah Xaafadaha degaanka Lambar 50 kuwaas oo aan si rasmi ah loo ogayn meesha lagu beegsanayay.

Degaanka lambar 50 ayaa mudooyinkii dambe marti galiye u noqday dagaal iyo colaad joogta ah kadib markii shabaab ay weeraro kala duwan kusoo qaadeen deegaankaas halkaasoo qasaarahii uga badnaa uu kasoo gaaray dadka rayidka ah ee ku dhaqan xaafadaha lambar 50 iyo degaanada ku xeeraan.

Shabaab ayaa tuulooyin hoostaga degaankan horay u gubay ayagoona halkaas ka qafaashay odayaal gaaraya ilaa iyo 40 oday oo dadka degaanka lambar 50 ka tirsanaa.

Majirto ilaa iyo hadda wax howlgal balaaran ah oo ay dowladdu ku xakameynayso duulaanka soo noq-noqday ee shabaabku ay kusoo qaadaan degaankan.