Dowladda Soomaaliya oo maamuli doonta Mashaariicda laga helo Midowga Yurub

Wafdi ka socday midowga Yurub ayaa maalintii shalay ahayd soo gaaray magaalada Muqdisho, wafdigan ayaa kulamo la yeeshay Madaxweynaha Dowladda Federalka ee Soomaaliya iyo Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdiga ka socday midowga Yurub ayaa ka wada hadlaay qodobo ay kamid yihiin sidii ay dowladda Soomaaliya u maamuli lahayd mashaariicda horumarineed ee ka timaada Midowga Yurub taasoo uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay taageerada ay siiyeen midowga Yurub dowladda Soomaaliya sidoo kalena kala hadlay sidii ay u joogteyn lahaayeen taageerada ay siiyaan Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Midowga Yurub u qaabilsan gargaarka iyo horumarinta ayaa sheegay inay sii socon doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya

Wasiirka Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Midowga Yurub iyo Soomaaliya kala saxiixdeen mashaariic ay ugu deeqeen Soomaaliya, isagoo xusay in mashaariic ay ka mid yihiin maamul wanaaga, horumarinta iyo gar gaarka Soomaaliya iyo kor u qaadida tayada Wasaaradaha, wuxuuna xusay in wixii maanta ka dambeeya ay maamuli doonto dowladda Federaalka, gaar ahaan Wasaaradda Qorsheynta.

Mr Jamaal ayaa sheegay in Midowga Yurub ay markii hore saxiixi jireen mashaariicda, balse waxaa uu tilmaamay wixii hada ka dambeeya ay dowladda Federaalka ay leedahay saxiixeeda iyo maamulkeeda.