Digreeto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xilka looga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka C/qani Sheekh Cumar.
Wararka qaar ayaa sheegaya in xil ka qaadista Agaasimihii hore ay la xiriirto dhanka awood qeybsiga, maadaama ay isku heyb yihiin Madaxweynaha Soomaaliya, waana tan dad badan ay u sababeynayaan inuu xilkiisa waayo.
Wasiirada Haweenke iyo Xuquuqul Insaanka Deeqa Yaasiin ayaa saaka u sheegtay shaqaalaha Wasaaradda in xilka laga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Mr c/qani Sheekh, lana magacaabay Agaasime cusub.
Sidoo kale Wasiirada ayaa kula dar daarantay shaqaalaha inay la shaqeeyaan Agaasimaha cusub ee la soo magacaabay.
Agaasimaha cusub ee loo magacaabay Wasaaaradda Haweenka ayaa lagu magacaabaa Deeq Saleebaan Yuusuf oo ahaa Agaasimihii hore ee Madaxtooyada Puntland.
Agaasimaha cusub ee Wasaaradda Haweenka ayaa noqonaya agaasimihii u horeeyay ee digreeto Madaxweyne ku magacaabo Madaxweyne Farmaajo.
Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa isa soo taraya in is bedel guud lagu sameynayo Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Xukuumadda oo muddo xilka ku raagay.