Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa maanta kormeer ku tagay Hoggaanka Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliiska Somaaliyeed.
Wasiirka ayaa la kulmay Mas’uuliyiin ka tirsan Waaxda Canshuuraha Ciidanka Booliiska Somaaliyeed, waxaana uu kala hadlay sidii ay bulshada Soomaaliyeed lacagaha laga soo aruuriyo loo ilaalin lahaa.
Mudane Beyle ayaa Mas’uuliyiintii uu la kulmay ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan dardargelinta howlaha Canshuuraha, islamarkaana aysan dhibin Shacabka Soomaaliyeed.