Maamulka Somaliland oo diiday inay qaataan deeq lacageed oo katimid dowladda Soomaaliya

 

Maamulka Soomaaliland ayaa sheegay inuusan aqbaleyn deeq lacageed oo uga timid dowladda Federalka Soomaaliya.

Deeqdaan lacagta ah ayaa cadadkeedu ahaa 200,000$ taasoo ay u qoondeeyeen Guddiga Gurmadka abaaraha Soomaaliya balse Maamulka soomaaliland ayaa sheegay in lacagtaas aysan marnaba aqbali doonin inay qaadato taasoo uu ku sheegay in sifo qaldan loo maray soo gudbinteeda.

wasiirka Warfaafinta Cusmaan C/laahi Saxardiid oo ka hadlaayay shir lagu qabtay magaalada Hargeisa ayaa sheegay in Somaliland aysan kamid ahayn Soomaaliya ayna yihiin kaliya dal ay jaar yihiin.

Cusmaan Cabdullahi Saxardiid oo ah  Wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa ka dhawaajiyey inay Somaliland go’aan ku gaartay inaysan aqbalin lacagtaas oo ay maamulka Somaliland ayagu isku filanyihiin.