R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Golaha wasiirrada ayaa maanta magaalada Muqdisho ka bilaabay olole Nadaafadeed oo ay horkacayaan oo wax looga qabanayo Bilicda magaalada.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. C/rixmaan Cumar Cismaan Yariisow oo ka hadlay howshaan ayaa sheegay in u jeedada laga leeyahay ay tahay in masuuliyiinta shacabka ay ku dhiira galiyaan inay ka shaqeeyaan Nadaafada magaalada.
Wasiirrada Wasaaradaha Haweenka iyo Xaquuqul insaanka iyo Kaluumaysiga oo iyaguna ka hadlay ololaha nadaafada oo ay maanta qayb ka ahaayeen ayaa sheegay in Nadaafadu ay muhiim u tahay bulshada iyo Magaalada.
R/wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa shacabka ugu baaqay in bilkasta Khamiista ugu danbaysa ay isku soo baxaan dadweynaha Soomaaliyeed si ay kaga qayb qaataan howlaha Nadaafada ee dib loogu soo celinayo Bilicda Muqdisho.