Burcad-Badeeda Soomaalida oo markale afduubtay Markab Ganacsi

Burcadbadeeda Soomaalida ayaa lagu soo waramayaa inay afduubteen markab ganacsi oo  laga leeyahay dalka Iran, Afduubka Markabkaan ayaa waxaa xaqiijiyay Warbaahinta Iran.

Afduubkaan ayaa ka dhacay xeebaha degaanada maamulka Puntland, waxaana kooxaha burcadbadeeda Markabkaasi ay la aadeen dhanka degaanka Gardafuu ee gobolka Bari.

Mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka Puntland ayaa waxa ay sheegeen in ay wadaan howlgallo ay ku doonayaan in ay kusoo badbaadiyeen dadkii Saarnaa Markabkaasi iyo sidoo kale hantidii.

Afhayeenka Ciidanka Badda ee Midowga Yurub ee ka howlgalla Soomaaliya Louise Tagg ayaa sheegay in Kooxaha Burcadbadeeda ay Afduubteen Markabkaasi oo ahaa mid ganacsi.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in ay wadaan Baaritaano kala duwan oo lagu doonaayo in lagu soo badbaadiyo dadkii iyo sidoo kale Hantidii Saarneyd Markabka, Waxaana socda tilaabooyin deg deg ah oo lagu doonaayo in Markabkaasi lagu soo badbaadiyo.

Sanadkaan oo keliya, burcadda waxaa ay afduubteen 3 markab oo kale, laakin dhammaan waa laga soo celiyay.

Warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobey Bishii November ayaa lagu sheegay in Saddex sano lagu guuleystay in aysan Afduub geysan Kooxaha Burcadbadeeda ,laakiin Howlgalkii La dagaalanka Burcadbadeeda oo Daciifay ay suurta gal tahay in ay dib u soo laabato Afduubkii Kooxaha Burcadbadeeda.