Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo digniin culus siisay maleeshiyaadka isbaarada dhigta

Waxaa Digniin culus kasoo baxaysaa taliska sare ee Maxkamada ciidamada qalabka sida kaasoo ku aadan dadka dhigta isbaarooyinka qaasatan askarta dowladda iyo maleeshiyaadka hubeysan.

Ayadoo dhawanaahan ay wadeen ciidamadda dowladda howlgal ay ku ciribtarayeen jidgooyooyinkii yaalay Goboladda dariska la ah magaalada Muqdisho sida SH/Hoose iyo SH/Dhexe ayaa howlgaladii la samayay waxaa lagu soo qabtay maleeshiyo gaadiidka iyo dadka safarka ku dhibaateyn jiray duleedka magaalada Afgooye.

Gaashaanle Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in ragga isbaarooyinka dhigta ay ukala baxaan sedex qeybood oo kala ah: Maleeshiyo Hubeysan, Ciidamo katirsan dowladda iyo rag qaab qabiil isku baheystay.

Taliyaha maxkamada ciidamada ayaa tilmaamay in hadii lasoo qabto dadkaas isbaarooyinka dhigta la marsiin doono ciqaab lamid ah tan lagu qaado askarta Shabaab ee dagaalada lagu qabto.

Gaashaanle Shuute ayaa tilmaamay in haatan gacanta lagu hayo ciidamo badan oo isbaarooyin lagu soo qabtay dhawaana xukun adag la marsiin doono.

Waxaa kale oo uu sheegay in iyadoo la fulinayo amarkii madaxweynaha ee ahaa in isbaarooyinka oo dhan la qaado ay ciidamada dowladda ku guuleysten in labada Shabeelle ay ka qaadaaan dhamaan isbaarooyinkii yaalay.

Digniintan ayaa u muuqata mid culus oo ka duwan kuwii horay uga soo bixi jiray Taliska Maxkamadda Ciidamada qalabka Sida.