Magacaabista Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir oo waji cusub yeelatay

Magacaabida Guddoomiyeyaasha degmooyinka ayaa ahaa mid si aad ah dhegta loogu taagayay, waxaana ay xiiso yeesheen, markii albaabada loo furay dhamaan beelaha Soomaaliyeed inay keensan karaan araajidooda xil dalbasho, halkii markii hore aheyd mid ku koobneyd beelaha Muqdisho kaliya.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa la sheegay inuu lahaa soo jeedinta is bedelka iyo magacaabista Guddoomiyeyaasha degmooyinka, iyadoo Wasaaradda Arrimaha Gudaha ay ka soo dhamaatay howshii magacaabida.

Warar hoose ayaa sheegaya in Guddoomiye Taabid saaka uu la kulmay qaar ka mid ah xubnaha loo magacaabayo xilka Guddoomiyeyaasha degmooyinka, isagoo si horu-dhac ahaan ugu hambalyeeyay xilka, balse aan wali si rasmi ah loogu dhawaaqin.

Qaar ka mid ah Guddoomiyeyaashii degmooyinka ayaa ah kuwo sii quusanayay labadii todobaad ee u dambeysay, kaddib markii ay soo xoogeysatay in Guddoomiyeyaal cusub la magacaabi doono.

Tirada Guddoomiyeyaasha la magacaabayo ayay warar is khilaafsan ka soo baxayaan, waxaana xubnaha magacaaban qudhooda saaxibadooda ugu bishaareeyeen xilalka loo magacaabay, hase ahaatee maanta illaa berri ay soo bixi doonto wareegtada magacaabida.

Xubnaha ka soo muuqan doona Guddoomiyaha degmooyinka ayaa waxaa ku jira Haween, sidoo kale qaarkood waxaa la leeyahay waa dhalinyaro qurbaha ka timid.

Waxaa laga yaabaa in is bedel ku yimaado qaababkii horay loogu magacaabi jiray Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo ku koobnaa kaliya beelaha Muqdisho, waxaana la hadal hayaa in degmooyinka Gobolka Banaadir lagu qeybin doono, nidaamka hada ay dowladda Federaalka ku dhisan tahay ee 4.5.

Haddi Nimaadkii hore la badalo waxaa soo bixi doono dhaliil badan oo lagu eedaynayo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir taasoo hadaba ay taagantahay doodeeda lagana dareemayo Mashquulka Gudoomiyaha Gobolka Banadir.