Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu waddaa in uu booqasho ku tago Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar sida ay shaaciyeen Mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya.
Amiirka dowladda Qatar ayuu Casuumaad rasmi ah ka helay Madaxweyne Farmaajo , waxaana maalmaha soo socda uu gaari doonaa Magaalada Dooxa.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa horay safaro ugu tagay dalalka Urdun, Imaaraadka Carabta, Kenya, Sucuudiga , Turkiga , Itoobiya iyo UK.
Madaxweynaha ayaa sheegay in u jeedka Safarada badan looga kol leeyahay horumarinta Xiriirka Caalamiga ah .
Waxaa la xasuustaa in madaxweyne Farmaajo horay u dhaliil ugu soo jeediyay asagoo waqtigii ololaha doorashada uu ku jiray sheegay inaysan muhiim ahayn in macno daro loo safro walibana qarash badan ay ku baxaan safaradaas dibedda ah.