Madasha Horay u socod oo ku dhawaaqay inay yihiin Xisbi (Sawiro)

Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Muqdisho, Xildhibaanadii ku bahoobay madasha Horay u socod, ayaa waxa ay ku beeniyeen inay yihiin mucaarad qorshahoodana uu yahay inay dumiyaan Dowladda cusub.

Xubnahan oo kulanka isugu yimid Hotelka Muqdisho Guest House, ayaa waxa ay ku sheegeen in qorshahooda uu yahay madal la doonayo in looga dhamaado Qabyaaladda islamarkaana lagu joojiyo ,waxaana ay ku dareen in aysan iyaga ahayn Dowlad Dumis.

Madashan ayey sheegeen in ay tahay madal ay leedahay umadda Soomaaliyeed islamarkaana uu ka qeyb geli karo qofkasta oo Muwaaddin Soomaaliyeed ah.

Anaga qolo mucaarad ma nihin, dowladda ma mucaaradsani, kamana keeneyno mooshin Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynaha, waxaa isu baheysanay waa in dalka la hormariyo, horayna loo socdo”ayuu yiri C/rashiid Xidig.

C/rashiid Xidig ayaa meesha ka saaray wararka suuqa loo geliyay ee ku saabsan qorshaha loo sameeyay madasha, wuxuuna tilmaamay inay doonayaan in dalka ka gudbo nidaamka 4.5, loona gudbo nidaamka xisbiyada.

“Maadaama dalkan la rabo inuu horusocod, lagana gudbo nidaamka 4.5, waxaa rabnaa inaan noqono xisbi dalkan ka dhisan, xildhibaan kastana waxaa laga rabaa in labo sano kaddib inuu xisbi ka tirsanaado”ayuu yiri Xidig oo intaa ku daray in cid kasta ay u furan tahay inay ku soo biiro horusocod

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay dhowr Xildhibaan oo iyana ku dheeraaday hadafkooda, waxaa ay xuseen in ujeedkooda yahay isla xisaabtan, wixii qaldan ay saxaan, balse aanay sida wararka baraha bulshada loogu sheegayo.

Madasha Horusocod oo maalmo ka hor looga dhawaaqay Nairobi ayaa lagu wadaa inay noqdaan cudud siyaasadeed oo aqlabiyad ku lahaata Baarlamaanka, waxaana hadii si rasmi ah loo hirgeliyo ay noqonayaan Xisbigii u horeeyay ee Baarlamaanka ka dhex sameysma, kuwaasoo yeelan doona saameyn siyaasadeed.