Dowladda Soomaaliya oo xirtay odayaal ka qayb galay caleemo saar ay Shabaab dhigteen

Ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Jalalaqsi ayaa xabsiga dhigay 10 oday oo degaanka buurweyn uga qeyb galay Caleemasaarka nin ka tirsan Al-Shabaab.

buurwayn oo qiyaastii u jirta degmada Jalalaqsi dhowr iyo sodon kiilo mitir ayay odoyaashaasi u aadeen caleemo saar ka dhacaayay halkaas oo lagu caleemo saarayay oday ka tirsan Al-shabaab.

Taliyaha Ciidamada dowladda Soomaaliya ee degmada Jalalaqsi Faarax Cali Gaafow ayaa sheegay in odayaashaasi lagu eedeeyay in ay ka qeyb galeen Caleema saarkaas ayna arintoodu dowladdu quseyso waxii go’aan ahna ay dowladda u taalo balse ka maamul ahaan ay ayagu howshooda guteen.

Taliyaha ayaa sidoo kale waxaa uu sheegay in tilaabo laga qaadi doono odayaashaasi, Bacdamaa ay dowladda ku wargaliyeen arintooda.

Waaxaa kale oo hadda ka soconaya Kulamo u dhaxeeya maamulka degmada jalalaqsi iyo odayaal dhaqameedka degaankaas walina ma cadda waxa kasoo baxi doona kulankaas.