Gudoomiye degmo oo u geeriyooday daad qaaday iyo Wasiir ka tirsan Somaliland oo ka badbaaday daadkaas

Gudoomiyaha degmada Xariirad ee Gobolka Awdal Marxuum Abokor Guuleed  ayaa ku geeriyooday daad ku qaaday dooxa Abaase ee dhinaca galbeed ka xiga magaalada Boon.

Gudoomiyaha iyo wefti uu hogaaminayey wasiirka ciyaaraha Somaliland, iyo wariye ka tirsan Star TV uu daad qaaday sidaasna uu ku geeriyooday Alle ha u naxariistee  Gudoomiyahii Degmada Xariirad Abokor Guuleed.

Daadkan ayaa la sheegay inuu kasoo rogmaday dhanka dooxa lagu magacaabo sac waraabis oo 5 Km u jira degaanka Boon sidaasna uu ku qaaday daadku gaarigii ay wateen wafdiga oo ku wajahnaa  dhanka degmada Saylac.

Wasiirka wasaaradda Ciyaaraha Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble, ayaa la sheegay in uu daadkaasi qaaday ka badbaaday, isla markaana ay xaaladdiisa caafimaad wanaagsan tahay, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee wasaaradda Ciyaaraha Maxamed Xuseen Dhabeeye.

Dhinaca kale Wasiirka arimaha gudaha Somaliland, wasiir ku xigeenka wasaarada,wasiiru dawlaha wasaarada arimaha gudaha iyo shaqaalaha wasaaradaha arimaha gudahu waxa ay tacsi Tiiraanyo leh u dirayaan qoyskii,qaraabadii,ehelkii iyo waliba shacabka Somaliland ee uu ka baxay Maayarkii Degmada Xariirada Oo Daad Qaaday U Geeriyooday.

Masuuliyiinta wasaaradu iyo shaqaalahooduba waxa ay ilaahay uga baryayaan inuu Naxariistii janno ka waraabiyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka baxayna samir iyo iimaan Saadiq Ah Ka Siiyo.