Faahfaahinta Is rasaaseynti xalay dhex martay Ilaalada Madaxtooyada iyo Ilaalada Taliyaha Nabadsugida G/Banaadir

Is rasaaseyn u dhaxeysay Ilaalada Madaxtooyada iyo Ilaalada Taliyaha Nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa xalay ka dhacday Aqalka dowladda Hoose ee degmada Xamar Weyne.

Is rasaaseynta ayaa timid, kaddib markii uu muran soo kala dhex galay labada Ilaalo, waxaana Ilaalada Madaxtooyada oo sugeysay ammaanka xarunta ay u diideen Taliyaha Nabadsugida in gaarigiisa uu gudaha galo, balse muran ka dhashay darteed ay labada dhinac rasaas uga dhex bilaabatay.

qasaaraha ka dhashay ayaa la sheegay inuu ahaa Illaa labo askari inay ku geeriyootay is rasaaseynta, halka labo kalena ku dhaawacantay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in is rasaaseynta oo muddo socotay ay khal khal gelisay xarunta dowladda hoose oo ka socotay Munaasabadda 15 May oo lagu waday in uu ka qeyb galo Madaxweynaha.

Xaaladda ayaa markii dambe degtay ayadoona xafladii ay kasii socotay barteeda kadib hakad yar oo ku yimid, Ammaanka Xarunta Aqalka dowladda Hoose ayaa aad loo adkeeyay, iyadoo Ilaalada Madaxtooyada ay xireen wadada gasha xaruntaas.