Shaqaaalaha dowladda oo la fasaxay hal arin darteed

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan “Yariisow”  oo ku hadlayay Afka Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in Shaqaalaha Dowladda la fasaxay Munaasabadda xuska 15-ka May owgeed.

Xuska 15-ka May ayaa ah maalinta dhalinyarada iyo  aas-aaskii Ururkii SYL ee kaalinta weyn ka qaatey xornimadii Dalka.

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa Maalmahanba ku howlanayd diyaarinta Munaasabadda 15-ka May,waxaana Waddooyinka  Magaalada Muqdusho iyo Taalada S.Y.L   lagu arkayaa Boorar waa weyn oo ka turjumayo xuska Maalinta 15-ka May oo  sanadkan si weyn loogu diyaar garooway.

Sidoo kale Ururada dhallinyarada Soomaaliyeed ee ka jira Dalka ayaa wada qaban qaabo xooggan oo lagu weyneynayo Xuska maalinta 15-ka May oo ku beegan Maanta.

Madaxda  Sar sare ee Dalka ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb-qaataan dabaadegga maalintan, Islamarkaana Hadalo ka jeediyaan  Munaasabadda Xuska 15-ka May .

Sanad kasta Maanta  oo kale  ayaa loo dabaaldagaa xuska  15-May  oo ah maalin dhalinayarada.